Ra’iisul wasaaraha Ciraaq oo si maqaam sare leh u qaabilay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Xukuumadda ee Baqdaad sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Xamse.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kulankooda waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada dal.

Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Marwo Khadiija Maxamed Al—Makhzoumi, iyo Taliyaha Hey’adda Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

PUNTLAND POST