
Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka halkaasi lagu xiray suxufi Siciid Nadaara oo wax ka qora arrimaha bulshada.
Waaxda danbi-baarista u qaabilsan Booliska Puntland ee C.I.D ayaa saaka su’aalo weydiin ugu yeertay suxufi Siciid Nadaaro kadibna xabsiga u taxaabay sida ay wararku tilmaamayaan.
Weriye Siciid Nadaara oo soo gudbiya wararka ku saabsan arrimaha bulshada ayaa la sheegaya in uu hadda ku xiran yahay xarunta waaxda danbi baarista C.I.D ee magaalada Gaalkacyo.
Suxufigan ayaa maalmihii u danbeeyay soo gudbinayay warar la xiriira Canshuuro la kordhiyay, adeegyada dowladda oo lacago lagu kordhiyay iyo lacago ka baxsan canshuurta oo gaadiidka looga qaado kontoroolka waqooyi ee Gaalkacyo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.