
Xisbiga Shaqaalaha ayaa ku guuleystay aqlabiyadda doorashada guud dalka UK si uu u soo dhiso dowlad cusub kaddib 14 sanno oo ay Ingiriiska hoggaaminayeen xisbiga Conservative-ka.
Sir Keir Starmer ayaa noqonaya ra’iisul wasaaraha cusub ee UK, ka dib markii uu xisbiga shaqaalaha ku hogaamiyay guul weyn.
Wuxuu beddeley siyaasigii garabka bidix Jeremy Corbyn oo ahaa hogaamiyaha xisbiga Labour afar sano ka hor, wuxuuna ka shaqeeyay inuu xisbiga ku soo celiyo garabka dhexe, si uu uga dhigo mid la dooran karo.
Xisbiga Labour-ku waxa uu xukunka ka maqnaa 14 sano, hadda waxaa uu helay 370 kursi taas oo ka dhigaysa inuu helay aqlabiyada baarlamaanka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.