
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xalay gaaray magaalada Baghdad ee caasimadda Jamhuuriyadda Ciraaq.
War kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaha ayaa lagu sheegay in mudane Xamse Cabdi Barre ay booqasho rasmi ah uga bilaabatay caasimadda Jamhuuriyadda Ciraaq ee Baghdad.
Qoraalka sidoo kale ayaa tilmaamay in booqashada Ra’iisul wasaaraha ay qaadan doonto mudda dhawr cisho ah islamarkaana uu kulamo muhiim ah la yeelan doono dhiggiisa dalka Ciraaq.
“Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho rasmi ah oo dhawr cisho ah ku joogi doona dalka Ciraaq ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo muhiim ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkan Ciraaq Ra’iisul Wasaare, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.
Labada Ra’iisul wasaare ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Ciraaq sida uu sheegay xafiiska Xamse.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.