Puntland: Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo qabsaday kantaroolka degaanka Bacaadweyn

Ciidamo ka tirsan Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa maanta qabsaday kantaroolka degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa lagu soo warramayaa in ay xoog kula wareegeen kantaroolka degaankaasi Bacaadweyne.

Ciidankaasi gadoodsan ee ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa sidoo kale gebi ahaanba xannibay isu socodka gaadiidka laamiga dheer ee magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka gadoodsan ayaa sheegaya in aysan wax mushaar ah dowladda ka helin in ka badan lix bilood islamarkaana ay ka cabanayaan xuquuqdooda maqan.

PUNTLAND POST