Madaxweynaha Kenya oo ku dhawaaqay go’aanno lagu dhimayo kharashaadka saa’idka ah ee ka baxa dowladda

Madaxweynaha dalka Kenya,William Ruto ayaa hadal uu maanta u jeediyay dadweynaha Kenya , wuxuu ku soo bandhigay go’aamo hoos loogu dhigayo kharashaadkii xad-dhaafka ahaa ee ay bixin jirtay dowladda.

Waxaa meesha laga saaray maasaaniyaddii ku bixi jirtay xafiiska marwada koowaad,marwada labaad iyo madaxa wasiirrada , waxaana meesha laga saaray shaqadooda.

Waxaa la hakiyey: in la magacaabo wasiir ku-xigeenno cusub, baabuurta cusub ee dawladda ay iibsan jirtay iyo safarradii ay ku bixi jireen shaqaalaha dawladda ee aan muhiimka ahayn.

Waxaa shaqada laga saaraya 50%  la-taliyeyaashii hay’adaha dawladda oo mushaar badan qaadan jiray.

Magacaabiista guddi khuburo ah oo ka soo tala bixiya deymaha badan ee Kenya lagu leeyahay oo kor u dhaafaya $80 bilyan, isla guddigaa ayaa dadweynaha usoo bandhigaya deymaha dawladda lagu leeyahay iyo hababkii ay ku baxday.

Madaxweynaha Kenya , wuxuu intaa ku daray “Tallaabooyinkan waxaa xigi doona isbeddello ku yimaada dowladda oo aan sameyn doono dhawaan.”

Go’aamadan ayaa ku soo aaday , kaddib in ka badan toddobaad oo dadweynaha Kenya ay isugu soo baxeen magaalooyinka waa weyn , iyagoo diiddan sharciga maaliyadda ee sare u qaadayay canshuurta, waxaa kalo ka jiray gudaha Kenya cod badan oo diiddanaa habka ay dhaqaalaha u adeegsato dowladda.

PUNTLAND POST