Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalkaasi Jamhuuriyadda Ciraaq.
Qoraal uu soo saaray Xafiiska Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaruhu uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.
“Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Baghdad waxa uu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq iyo madaxda kale ee dalkaasi” ayaa lagu yiri Qoraalka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Qoraalka ayaa sidoo kale intaasi raaciyay in Kulamada labada dhinac looga wada-hadli doono xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan.
“Waxay wada hadli doonaan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan” ayuu sii raaciyay Qoraalkaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.