
Darawalada gaadiid Bajaajta ka howlgasha magaalada Gaalkacyo ayaa cabasho ka muujinaya maamulka degmada Gaalkacyo, iyagoo sheegay in lagu soo rogay lacago dheeraad ah oo culays ku ah.
Maamulka degmada Gaalkacyo ayay ku eedeeyeen inay heshiis la gashay shirkad gaar loo leeyahay, si lacago ka baxsan canshuurta ay uga qaado gaadiidka bajaajta.
Bajaajleyda ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka sameeyay muddaharaad ay ku diidan yihiin go’aanka dowladda hoose ku kordhisay lacagtaasi dheeriga ah oo ay qaadayso shirkadda gaarka loo lee yahay.
Ciidamada dowladda ayaa rasaas u adeegsaday kala eryida darawalada gaadiidka Bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo sheegay inay ka cabanayaan lacago ka baxsan canshuur oo dowladda hoose ku soo rogtay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.