In ka badan sagaal boqol oo sarkaal oo ka ruqsaysanaya ciidanka Israa’iil

Sagaal boqol oo sarkaal oo ka tirsan ciidanka Israa’iil ayaa ku wargeliyay hoggaanka militariga in aysan doonayn in ay ku sii jiraan ciidanka.

Tan ayaa lagu sheegay tiradii ugu badnayd ee saraakiisha ciidanka Israa’iil oo shaqada ka baxa, waxaana lala xiriiriyay dagaalka Qasa oo hoggaanka militariga Israa’iil ay ku guul-darraysteen inay qorshihiisa la wadaagaan saraakiisha sare ee dagaalka ku jira.

Si la mid ah saraakiisha tiro badan oo askarta ka mid ah ayaa sidoo kale ka baxday ciidanka Israa’iil, inta uu socdo dagaalka Qasa, halkaa oo ay khasaare weyn kala kulmayaan, mana jirto sagaal bilood oo dagaalku socdo sawir guul ah oo ay dagaalka ka heleen. Waxaa kalo uu khilaaf ka taaganyahay inaysan caddeyn qorshaha mustaqbalka ee dagaalka.

PUNTLAND POST