Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay mas’uuliyiin uu magacaabay Madaxweyne Deni

Fadhiga maanta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ahaan kii 7-aad ee Kalfadhiga 54-aad ayaa waxaa Goluhu cod aqlabiyad leh ku meel mariyey mas’uuliyiin magacaaban oo isagu jira Wasiiro ku-xigeeno kamid ah Golaha Xukuummada, Xubno ka tirsan Garsoorka iyo Hantidhowraha guud ee Dawladda Puntland, kuwaas oo ay soo gudbisay Madaxtooyadu.

1) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Maxamed Xassan Ibraahim.

2) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Diiriye Gamaadiid.

3) Wasiir ku-xigeenka Dhalinyaarada iyo Ciyaaraha Siciid Saalax Seed.

4) Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Axmed Yuusuf Taaraan.

5) Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Cabdiqani Diiriye Cawl.

6) Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhawrka guud ee Dawladda Puntland Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey).

PUNTLAND POST