Dowladda Itoobiya oo sheegtay in Kulamadii Ankara looga wada hadlay Arrinta Badda ee Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa markii u horraysay ka warbixisay Kulamadii Turkigu dhex-dhexaadinayay ee lagu wada-hadal siinayay Soomaaliya iyo Itoobiya.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa looga warbixiyay Kulamadii ka dhacay magaalada Ankara ee Turkigu ku dhex-dhexaadinayay Soomaaliya iyo Itoobiya si loo xalliyo Khilaafka labada dal.

War-saxaafadeedka wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Kulamadii labada dhinac lagu soo bandhigay aragtiyo ku wajahan sidii wax loo qaban Khilaafka loona heli lahaa hannaan la wada aqbali karro oo ku aaddan arrintii badda ee muranka sababtay.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in Kulamadii dhacay la isku weydaarsaday aragtiyo daacadnimo iyo niyad-sami ku dhisan oo ku aaddan xallinta Khilaafka labada dal islamarkaana horumar laga sameeyay aragtidii la soo bandhigay.

Itoobiya ayaa sidoo kale tilmaantay in labada dowladood ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka go’an tahay in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafka, una mahadcelinayaan dowladda Turkiga.

PUNTLAND POST