
Xildhibaannada Baarlamaanka Jubaland ayaa maanta oo Talaado ah wax ka beddel ku sameeyay qodoba kamid ah Dastuurka Jubaland.
Baarlamaanka Jubbaland oo maanta isugu yimid kulan aan caadi aheyn oo ku saabsan wax-ka-bedelka Dastuurka ayaa u coddeeyay ansixinta wax ka bedelka qodobo ka mid ah Dastuurka dowlad goboleedkaasi.
Qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay ee Dastuurka ayaa waxaa ka mid ah qodobka 70aad ee Dastuurka Jubbaland, kaasoo ahaa in Madaxweynaha uu xilka isku-sharaxi karo laba jeer, qodobkan ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray.
Xildhibaannada Baarlamanka Jubaland waxay ansixiyeen in loo guuro Qodobka 65aad waxaana laga dhigay muddada xilheynta Madaxweynaha in ay tahay shan sano, u tartamida Madaxweynaha ay tahay mid furan oo aan xadidneyn.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.