
Millatariga Kuuriyada Koofureed ayaa ku warramay, in Kuuriyada Waqooyi ay aroornimadi hore ee saaka xeebteeda bari ka ridday gantaal nooca riddada dhexe ah.
Tallaabadan ayaa imaaneysa maalin kaddib marki ay Peyongyang wacad ku martay in ay jawaab adag ka bixin doonto dhoolatus cusub oo ay si wada jir ah u fuliyeen millatariga Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.
Xafiiska Taliska ugu sarreeya ciidamada qalabka sida ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay, in wax u eg laba gantaal ay aroornimadi hore Kuuriyada Waqooyi ka tuurtay degmada Jangyon ee xeebta koonfur bari ee dalkaasi ka go’doonsan dunida inteeda kale.
Taliyaha guud ee ciidamada ayaa sheegay in militariga Kuuriyada Koonfureed uu sare u qaaday howlaha ilaalinta xadka, isla markaana ay si dhow xogta isu weydaartaan Mareykanka iyo Japan.
Kuuriyada Waqooyi ayaa inta badan tijaabisa gantaallo kala duwan oo u badan kuwa xanbaara madaxyada niyukleerka, gaar ahaan xilliyada ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kuuriyada Koonfureed ay sameeyaan carbisyada millatari.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.