Dowladda Jabuuti oo been-abuur ku tilmaantay eedayntii uga timid Somaliland ee taageeridda jabhadda Awdal

Dowladda Jabuuti ayaa jawaab ka bixisay eedaynta uga timid madaxweyne Muuse Biixi ee ku saabsan in jabhad ka dhan ah Somaliland lagu soo dhaweeyay dalka Jabuuti.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaaleh ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay jirto jabad ka horjeeda Somaliland oo ku sugan dalka Jabuuti islamarkaana dowladdiisu gacan siisay.

Wasiir Ilyaas Muuse Dawaaleh oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa ‘X’ ee hore loo oron jiray Twitter-ka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin waxa uu ku tilmaamay “eedaha beenta ah ee aan waxba ka jirin ee uga imaanaya Somaliland”.

Ilyaas Dawaaleh ayaa ku dooday Jabuuti ay tahay meel wada jir iyo is-dhexgalka gobolka u taagan. Waxaana uu sheegay in ay ka shaqeeyaan wixii dan u ah nabadda iyo xasiloonida Gobolka balse aysan dhibaato ku lug yeelan marnaba.

Wasiir Ilyaas ayaa sida oo kale xusay in maskaxda lagu hayo sida oo kale in hore loogu eedeeyey in Soomaaliland ay ka taageereen dagaalkii Gobolka SSC sida uu hadalka u dhigay.

PUNTLAND POST