Shir lagu dhex-dhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga

Wefdi uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta u amba-baxay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Qoraal kooban oo ay soo saartay Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasiir Axmed Macallin Fiqi iyo wefdigiisa ay magaalada Ankara kaga qayb-galayaan wadahadallo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga.

“Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Ankara, Turkiga, halkaas oo ay uga qeybgalayaan wadahadallo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga”.

“Dowladda Soomaaliya waxay ku taagantahay mabda’eeda ah ilaalinta madaxbanaanida, gobonnimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraalka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in uu furmo Shirka lagu dhex dhexaadinayo dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo bilihii la soo dhaafay uu ka dhex taagnaa khilaaf ka dhashay heshiiskii is afgarad ee dhex maray Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.

Dowladda Turkiga oo labada dalba saaxiib dhow la ah isla markaana gogosha dhigtay ayaa dedaal ku jirta sidii labada dhinac loo heshiin lahaa loona dhammayn lahaa khilaafka ka dhex taagan.

PUNTLAND POST