Maxamad Walad Gazwani oo mar kale lagu wado in loo doorto madaxweynaha dalka Muritania

Natiijada doorashadii madaxtinimada ee Sabtidii shalay ka qabsoontay dalka Muritania ayaa la filayaa in la shaaciyo maanta.

Madaxweynaha xilka haya ee Maxamad Walad Gazwani ayaa lagu wadaa in uu mar kale ku soo baxo doorashadan oo aheyd mid aad loogu tartamay isla markaana ay ka loollameen murashaxiin dhowr ah.

Gazwani ayaa ololaha doorashada ku galay inuu sare u qaadi doono maalgashiga dalkaasi dhaca Galbeedka Africa, xilli uu waddanka isu diyaarinayo inuu billaabo wax soo saarka gaaska dabiiciga ah.

Madaxwene Maxamad Walad Gazwani oo marki ugu horreysay jagadan loo doortay sannadki 2019-ki, ayaa wajahaya lix murashax oo uu ku jiro Bayram Tah Cubeyd, oo kaalinta labaad kasoo galay doorashadi tan ka horreysay.

PUNTLAND POST