Diyaaradaha dagaalka Israa’iil oo xalay buuxiyay hawada dalka Lubnaan

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa xalay buuxiyay hawada caasimadda Beirut ee dalka Lubnaan.

Sidoo kale waxay ku duuleen waqooyiga Lubnaan, illaa galbeedka Suuriya, iyadoo qaarkood ay soo baxayaan inay gudaha u galeen bariga dalka Ciraaq, balse ma jiro wax duqeymo ah oo la soo sheegay illaa hadda inay diyaaradaha geysteen.

Gelitaanka diyaaradaha dagaalka Israa’iil ee hawada dalalka Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq , ayaa loo qaadanaya tallaabo ay Israa’iil sare ugu qaadayso xiisadda, xilli ay horey u xaqiijiyeen inay ansixiyeen dagaal toos ah oo ay la galaan Xisbullah.

waxaa kalo ay tan ay ku soo aadaysa xilli la sheegay inuu Mareykanka ka codsaday Ciraaq inay hawadeeda ka xirato diyaaradaha xamuulka ee Iran oo saacadihii u dambeeyay la sheegay inay saanad iyo injineero u daabuleen gudaha Lubnaan si ay gacan u siiyaan Xisbullah.

PUNTLAND POST