Wararkii u danbeeyay ee doorashada Madaxtinimada dalka Iran

Doorashada Madaxweynaha Iran ayaa loo gudbay wareegi labaad, maaddaama uusan jirin musharrax helay aqlabiyadda, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha.

Wareega labaad oo la qabanayo Jimcaha , waxaa isugu soo haray Masoud Pezeshkian oo helay codod gaaraya 10.4 milyan oo u dhigma 42.1% iyo Saeed Jalili oo helay 9.5 milyan cod oo u dhigma 38.3%,  kaddib markii la tiriyay in ka badan 24.5 milyan oo cod, sida ay sheegtay Al-Jazeera.

Labada musharrax ah ee isugu soo haray doorashada , ayaa xambaarsan labo aragti oo iska soo horjeeda; Pezeshkian waa isbeddel doon doonaya inuu xiriir dhow la yeesho reer galbeedka, wuxuu sheegay dunidda oo dhan inay Iran la shaqeyn karto, marka laga reebo Israa’iil, halka Jalili loo arko inuu yahay nin mayal adag oo aan doonayn xiriir dhow oo reer galbeedka ah.

Wareega labaad ayaa la filaya inay kor u kacdo tirada dadweynaha codeynta doorashada ka qeybgali kara, sababo la xiriira inay labada musharrax doorashada u beddeleen mid cad iyo tartan u dhaxeeya labo musharrax oo kala aragti duwan.

PUNTLAND POST