Mas’uuliyiin ka kooban wasiiro iyo xildhibaanno ay weheliyaan maamullada heer gobol, heer degmada iyo taliyaasha qeybaha booliska gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa Jimcihii shalay gaaray degaannadii lagu diriray ee galbeedka gobolka Mudug.
Madaxda ka socday Puntland iyo Galmudug ee ka kooban wasiiro iyo xildhibaanno ay weheliyaan maamullada heer gobol, heer degmada iyo taliyaasha qeybaha booliska gobolka Mudug ayaa shir ku yeeshay nawaaxiga miyiga Maygaagta iyo Jiicboor ee ay ku dagaallameen beelaha.
Shirka labada dhinac ayaa ugu danbayn ku soo dhammaaday is afgar ka kooban 4 qodob oo ay ugu horrayso xabbad-joojin shuruud la’aan ah iyo in la kala qaado malesshiyaadka labada beelood ee ku dagaallamay degaanka sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug.
Waxa kale oo la isla gartay in la qabto guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya in wada-hadal nabadeed u furmo dhinacyada diriray iyo in ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban labada maamul la geeyo degaannadii lagu dagaallamay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.