Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Pro. Jawaari oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sida la xaqiijiyay Maanta oo Jimce ah ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Geerida Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka marxuum Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxaa si kooban Warbaahinta ugu xaqiijiyay Wiilkiisa Dr. Cabdicasiis Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta dalka qaarkood ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay Geerida Alle ha u naxariistee marxuum Jawaari.

Mas’uuliyiinta u tacsiyeeyay Prof Jawaari ayaa ku tilmaamay Waayo arag mudda ka badan 60 sano ka soo shaqeeyay Dowladnimada Soomaaliya islamarkaana ahaa ruux ay ku gaamurtay maamulka dowladnimo oo dhameystiran.

PUNTLAND POST