Puntland oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedka galbeedka Gobolka Mudug

Dowladda Puntland ayaa baaq nabadeed oo deg deg ah ka soo saartay dagaal beeleedka ka socda galbeedka Gobolka Mudug.

Bayaan Rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan oo shuruud la’aan ah lagu joojiyo colaad beeleedda ka socota galbeedka Gobolka Mudug.

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo bayaanka soo saaray ayaa sidoo kale ku baaqay in labada dhinac is xakameeyaan.

“Waxaan ku baaqaynaa in colaadda ka socota galbeedka gobolka Mudug lagu joojiyo shuruud la’aan sidaasi darteedna waxaan dadka walaalaha ee colaaddu dhexmartay ugu baaqaynaa in la is xakameeyo” ayaa lagu yiri baaqaasi.

Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay wefdi ka kooban golayaasha dowladda u dirtay degaanka colaaddu ka taagan tahay ee galbeedka Gobolka Mudug.

“Si dhakhso loogu joojiyo colaadda oo nabadda loo xoojiyo waxaan wefdi golayaasha dowladda ah u dirnay degaanka” ayuu sii raaciyay bayaanka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Halkaan ka akhriso baaqa dowladda Puntland

PUNTLAND POST