Turkiga oo sheegay in jasiiradda Qubrus loo beddelay saldhig lagaga duulo Qasa iyo Lubnaan

Madaxii hore ee sirdoonka Turkiga , oo hadda ah Wasiirka Arrimaha dibadda , Hakan Fidan ayaa soo bandhigay dhaqdhaqaaqa halista ah ee ka socda Qubrusta Yurub

Wasiir Hakan Fidan wuxuu sheegay inay oggaadeen jasiiradaa in loo beddelay saldhig militari oo lagala socdo dhaqdhaqaaqa Qasa iyo koonfurta Lubnaan.

“Oktoobar 7 kaddib, waxaan aragnay warbixinno sirdoon oo tilmaamaya in Qubrus loo adeegsanayo saldhigyo … Xarun hawlgal oo ay isticmaalaan waddamada kale si ay u maareeyaan dagaalka Qasa”.

“Xiriir ayaanu la samaynay oo u sheegnay madaxda Giriiga in koonfurta Qubrus iyo jasiiradaha Giriiga loo isticmaalo xarun hawleed, taasi inay dhaxalsiinayso khatar weyn oo aysan dani ugu jirin Giriiga” ayuu yiri Hakan Fidan.

Toddobaadkii hore Xisbullah ayaa sheegtay in ay weerarri doonto Qubrus , haddii weerarro looga soo qaado saldhigyadooda oo ay adeegsadaan diyaaradaha Israa’iil iyo Mareykanka.

PUNTLAND POST