Maraykanka oo mar kale walaac ka muujiyay is-afgaradkii badda ee Itoobiya iyo Somaliland

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale diginin xooggan ka bixisay is afgaradkii badda ee ay galeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland, waxayna taageero u muujisay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Ku-simaha danjiraha Mareykanka ee Qaramada Madoobey Robert Wood ayaa mar kale ku celiyey sida Mareykanka uga walaacsan yahay xiisadda ka dhalatay heshiiskaas ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Saaxiibayaal, Maraykanku waxa uu weli aad uga walaacsan yahay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo saamaynta taban ee ay ku yeelanayso danaha amni ee ay wadaagaan,” ayuu yiri Wood oo  ka hadlay kulankii Golaha Ammaanka ee QM ee arrimaha Soomaaliya.

“Waxaan ku biiraynaa Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si aan ugu celino taageeradeena ku aadan madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Wadahadal diblamaasiyadeed ayaa ah dariiqa lagu dejin karo xiisadaha, waana dariiqa kaliya ee loo mari karo,” ayuu sii raaciyay Wood.

PUNTLAND POST