Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo Maanta Shir ka yeelanaya Arrimaha Soomaaliya

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa Maanta oo Isniin ah shir albaabadu u xiran yihiin ka yeelanaya Xaaladda Siyaasadeed iyo tan Amni ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Maanta oo ku beegan 24 June 2024 uu Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey shir ka yeelanayo Xaaladda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Shirka uu warbixin ka jeedin doono Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya Isniin taarikhda 24ka Juun saacadu markay tahay 5:00 galabnimo xiliga  magaalada Muqdisho. Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa ka mid noqon doona dadka warbixinta ka jeedin doona” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay muddo 53 sanadood ah waxa dhawaan loo doortay in ay xubin aan joogto ahayn ka noqoto 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey.

PUNTLAND POST