
Xildhibaan Yaasiin Axmed Maxamuud oo ku soo biiray mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa saaka loo dhaariyay xilkaasi.
Xildhibaan Yaasiin Axmed ayaa beddelay walaalkiis alle ha u naxariistee marxuum Cali Axmed Maxamuud oo bishii hore ku geeriyooday shil gaari.
Xubin katirsan Maxkammada sare ayaa Xildhibaanka cusub dhaariyey kadib soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha oo uu buuxiyey shuruudaha soo xulista Xildhibaannimo.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa Xildhibaanka kusoo dhaweeeyey Golaha Wakiillada, isagoo u rajeeyey inuu guto waajibaadka ku qoran Dastuurka iyo Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.