Kooxda Xizbullah oo weerar culus ku qaaday gudaha Israa’iil

Kooxda Xizbullah ee Lubnaan ayaa sheegtay Axadda maanta ah in diyaarad hubaysan oo aan duuliye la socon ay ku beegsatay goob ciidan oo ku taal waqooyiga Israa’iil.

Israa’iil iyo kooxda awoodda badan ee Iran ay taageerto, ee xulufada la Xamaas ah, ayaa si maalinle ah gantaallo isugu weydaarsanayey xuduudda tan iyo markii dagaalka Gaza uu billowday October 7.

Hadallka Xizbullah ayaa yimid saacado kadib markii ay daabacday muuqaallo ay ku sheegtay in ay muujinayaan goobo ka tirsan Israa’iil iyo xogtooda, ayada oo ay jirto cabsida laga qabo dagaal aan waxba la iskula harin oo ka dhex qarxa labada dhinac.

Xiisadda xuduudda ayaa sare u kacday maalmihii tegay, ayada oo militariga Israa’iil ay ku dhawaaqeen Talaadadii in qorshe weerar culus loogu qaadayo Lubnaan “la ansixiyey oo la sharciyeeyey.”

Hoggaamiyahan Xizbullah Hassan Nasrallah ayaa ku jawaabay hanjabaad ah in meel ka mid ah Israa’iil aysan badbaadi doonin haddii dagaal weyn uu billowdo.

PUNTLAND POST