
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Cuba Rodriguez ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu qaadayo jidkii Koonfur Afrika, oo ay dacwadd ka dhanka ah Israa’iil horgeynayaan maxkamadda Adduunka.
“Dowladda Cuba waxay go’aansatay inay noqoto ka waddankii saddexaad, oo dacwad ka dhanka ah Israa’iil horgeeya Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay arrimaha dibadda Cuba.
“Dowladda Cuba waxay adeegsan doontaa xaqa ay u leedahay inay Israa’iil ku dacwayso xadgudubyada ay ka gaysatay Qaza ” ayaa sii raaciyay bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda Cuba.
Dalal kale oo ka mid yihiin Nicaragua, Colombia, mexico iyo Chile ayaa sheegay in ay gudbiyaan dacwad ka dhanka ah Israa’iil.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.