Golaha Wakiilada Puntland ayaa Maanta oo Axad ah shaaciyay Ajandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhigooda 54 aad oo furmay 15 bishaan June
Ajandaha Rasmiga ee Kal-fadhiga 54aad oo ka kooban 11 Qodob ayaa waxa ku jira Qodob ku saabsan ka doodista Arrimaha Khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.
Ajandaha waxa sidoo kale ku jira Qodoba kale oo muhiim ah uuna ku jiro ka doodista Qulqulka Muhaajiriinta soo gala Puntland kuwaas oo inta badan ka yimaada dalka Itoobiya.
Ajandaha Rasmiga ee Kal-fadhiga 54aad ayuu shalay ansixiyay Baarlamaanka kadib markii uu Qodob Qodob ugu codeeyay waxaase si rasmi ah loo shaaciyay Maanta.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.