Wararkii u danbeeyay ee duqaymaha Israa’iil ka waddo marinka Gaza

Ciidamada Israa’il ayaa duqeymo culus Jimcihi ku garaacay degaanno ka tirsan koofurta iyo bartamaha Marinka Gaza, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 45 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay xaqiijiyeen ilaha caafimaadka Gaza.

Dadka deegaanka ayaa sheegay, in ciidamada Isra’il ay labadi maalin ee lasoo dhaafay xoojiyeen duqeymaha cirka iyo dhulka ah ee Rafax, halkaas oo ay isku dayayaan in ay qabsadaan.

Ciidamada Isra’il ayaa weerarka Rafax billaabay horraantii bishi May, waxay qabsadeen waqooyiga, koofurta, iyo bariga, iyaga oo hadda kusii siqaya dhanka galbeed.

Rafax oo bilooyin ka hor aheyd hoyga in ka badan 2 milyan oo Falastiiniyiin u badan qaxooti iyo barakac, ayaa hadda u muuqata mid haawaneysa.

Qaramada Midoobay iyo saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay, in dad lagu qiyaasay 100 kun ay ku hareen Rafax, iyadoo dadka intiida badan ay u barakaceen dhinaca xeebta badda Meditareeniyaanka ee Gaza.

PUNTLAND POST