In ka badan kun qof oo sannadkan ku dhintay xajka

Tirada dadka ku dhintay xajka sanadkan ayaa kor u dhaaftay 1,000 qof, sida ay wakaaladda wararka ee AFP.

In ka badan kala bar dadka ku geeriyooday xajka sannadkan ayaa la sheegay in ay yihiin dad aan diiwaangashanayn oo aan wadan ruqsadii xajka.

Dhimashada cusub ee la soo sheegay waxaa ka mid ah 658 qof oo ka soo jeeda Masar kuwaasi oo 630 ka mid ah ay ahaayeen xujeey aan diiwaangashanay sida laga soo xigtay mas’uul masaari ah.

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 6 ka mid ah Xujeyda Soomaalida ay sannadkan xajka ku dhinteen.

Dadka guud ahaan ku dhintey sannadkan Xajka ayaa ka soo kala jeeda 10 waddan.

Xajka ayaa sannadkan mar kale ku soo beegmey xilli uu kulayl daran ka jiro Sacuudiga.

PUNTLAND POST