Ciidamo Itoobiyaan ah oo maanta galay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan

Ciidamo ka tirsan millatariga dowladda Itoobiya ayaa sida wararku sheegayaan maanta gaaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Matabaan Bashiir Cabdiraxmaan Sheekeeye ayaa laga soo xigtay in ciidamadaasi oo gaaraya ilaa 3000 ay degmada kasoo galeen dhanka Beledweyne.

Wuxuu intaas raaciyay in kadib wada hadal dhex maray ciidamadaas iyo maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ay haatan ciidamadaasi dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen.

Arrintan ayaa imanaysa xilli ay dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya shaacisey in ciidamada Itoobiya guud ahaan dalka ka baxayaan dhammaadka sannadka 2024.

PUNTLAND POST