Madaxweynaha Puntland oo maanta safar ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida wararku xaqiijinayaan maanta oo Khamiis ah safar ugu baxay dalka dibaddiisa.

Madaxweyne Siciid Deni oo ku sii jeeda waddanka Imaaraadka Carabta ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir Hamaan.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu safarkiisa ku sii mari doono magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Itoobiya.

Dhinaca kale Madaxtooyada Puntland weli kama hadlin ujeedka safarka madaxweyne Deni uu ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta.

PUNTLAND POST