Dowladda Canada oo liiska argagixisada ku dartay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran

Dowladda Canada ayaa liiska argagixisada ku dartay ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC), sida uu ku dhawaaqay wasiirka Amniga Dadweynaha Canada, Dominic LeBlanc.

Ku dhawaaqistan ayaa ka dhigan in ay xiri doonaan laamaha sirdoonka Canada , dadka ku sugan gudaha dalkooda ee lagu helo inay taageeraan IRGC, si la mid ah waxay xayiri doonaan hantida ciidankan.

Ilaalada Kacaanka Iran , waa ciidanka ugu sarreeya Iran, tan oo ka dhigan inay Canada u aqoonsanayso argagixiso ciidamada ugu awoodda badan ee uu dal leeyahay.

Tallaabadaasi ayaa sare u qaadaysa xiisadda reer galbeedka iyo Iran. Si cad Iran ayaa qaadi doonto tallaabooyin tan la mid ah oo liiskeeda argagixisada ay ugu dari karto militariga Canada.

PUNTLAND POST