Sirdoonka Israa’iil oo xiray wiil yar oo rabay in uu ku biiro Daacishta Soomaaliya

Sirdoonka Israa’iil ayaa sheegay inay xireen nin dhallinyaro Israa’iili ah kaasi oo rabay in uu ku biiro kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Wiilka yar ayaa isku diyaarinayay in uu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro Daacishta Soomaaliya, weerarrana uga geysto gudaha Israa’iil iyo caalamka sida laga soo xigtay sirdoonka dalkaasi.

Tuhmanaha oo 17 jir ah ayaa la sheegay in uu diyaariyay qorshaha uu ku tagi laha Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jiraan qorista dardaaran, aruurin dhaqaale, qaadashada baasaboor ajnabi ah, iyo inuu xiriir la sameeyo  Daacish isagoo adeegsanaya internetka.

Sidaasi waxa sheegtay Hay’adda ammaanka Israa’iil ee Shin Bet, iyadoo arrintan ay soo shaac baxayso maalmo kaddib markii saraakiil Mareykan ah laga soo xigtay in madaxa Daacishta Soomaaliya uu noqday hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Daacish.

PUNTLAND POST