
Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho ku tagay degaanka BuuloXaaji ee gobolka Jubada Hoose oo dhawaan laga xoreeyay Al-shabaab.
Madaxweynaha oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynaha degaanka ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha Dowladda ay bilaabi doonaan Adeegyada bulshada gaar ahaan Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo adeega internetka oo dhawaan loo fasaxay degaanka iyadoo Madaxweynahu uu intaas ku daray in maamulka degaanka sida ugu dhakhsiyaha badan loo soo dhisi doono.
Waxaa Madaxweynahu uu balanqaaday in Ciidamada xoreeyay Buuloxaaji ayna dib uga noqon doonin isagoo sheegay in sidoo kale degaanka laga hirgalin doono maxkamad isla markana aan la aqbali doonin in dacwad loo aado kooxaha argagixisada ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mudo dheer maleeshiyaadka Al-shabaab ay isku diraysay beelaha degaanka taas oo sababtay isku dhacyo dhinaca beelaha ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.