Puntland oo shaacisay in ay qabatay mid kamid ah burcad-badeeddii af-duubay markabkii MV Abdalla

Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen shakhsi ku eedaysan in uu kamid ah burcad-badeedii af-duubtay markabkii MV Abdalla.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen eedaysane Maxamed Suufi Rasaas oo loo haysto falkaasi burcadnimada ah.

“Ciidanka booliska G.Nugaal ayaa gacanta ku dhigay mid kamida afduubayaashii markabkii MV room  iyo markabkii MV abdalla”.

“Maxamed Suufi rasaas oo kamida burcad badeedii Markabkii MV Abdalla,kana mid ahaa ragii lacagta madaxfurashada ka qaatay ayaa ciidanka booliska G.Nugaal ku guulaysteen iney gacanta ku dhigaan” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

“Ciidanka booliska G.Nugaal oo lasocday xogta maxamed suufi rasaas ayaa ku qabtay magalada Garawe  halkaas oo uu ku dhuumaalaysanayey saacadihii lasoodhaafay”.

” Waxa uuna kamid ahaa afduumashaayshii markabkii MV room isaga oo markii Danbe usowareegay markabkii MV abdalle oo  uu kamid ahaa burcadii lagacta madax furashada ka qaadatay markabkaas” ayuu sii raaciyay qoraalka.

PUNTLAND POST