Geeddi: Itoobiyaanka aan sharciga ku haysan Garoowe waa in ay si degdeg ah isaga baxaan magaalada

Duqa caasimadda Garoowe, Geeddi Axmed Tuurre ayaa amar ku soo rogay dadka u dhashay Itoobiya ee sharci la’aanta ku jooga Garoowe in ay sida ugu dhakhsaha badan isaga baxaan magaalada.

“Waxaan rabnaa dadka in aan u sheegno, Inta ay goori goor tahay, dadka aan sharciga ku haysan caasimadda ee jooga ee u dhashay Itoobiya in ay isaga baxaan magaaladaan”.

“Waxaan mar labaad iyo mar saddexaad cod-dheer ugu sheegayaa luuqadda iyaga fahmi doonee in ay magaaladan isaga baxaan, maadaama aysan ku haysan wax sharciyad ah” ayuu yiri duqa caasimadda Garoowe.

Mudane Geeddi ayaa sheegay in qofkii aan ka bixin magaalada ee sharci la’aan ku sii jooga si xoog ah looga saari doono, islamarkaana isaga oo xirxiran laga saari doono, maadaama uusan wax sharciyad iyo ogolaansho ah haysan.

“Qofkii aan ka bixin oo sharci la’aan ku sii jooga wuxu ogaan doonaa in isaga oo xirxiran laga saari doono magaalada, maadaama uusan wax sharciyad iyo ogolaansho ah ku haysan” ayuu sii raaciyay Geeddi.

PUNTLAND POST