Switzerland oo marti-gelinaysa Shir weyne looga hadlayo xal u helida dagaalka Ukraine

Switzerland oo ah dal dhexdhexaad ah oo aan ka qayb qaadan dagaalada military ee adduunka ayaa maanta oo Sabti ah marti galinaya shir-madaxeed caalami ah oo looga hadlayo xal u helidda dagaalka Ukraine.

Dowladda Switzerland, ayaa shaacisay liiska ka qaybgalayaasha shirka nabadda Ukraine , iyadoo hoggaamiyayaasha shirka ka qaybgalaya uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh.

Ruushka ayaa diidday inuu shirkan ka qaybgalo, halka Shiinaha uu ku sheegay shir aan waxtar lahayn, maaddama aysan si siman uga qaybgaleen Ruushka iyo Ukraine , wuxuuna Shiinaha ka baaqsaday inuu wafdi u diro, halka Biden uu doorbiday inuu ka qeybgalo olole lacag aruurinta ah oo lagu qabanayo California, wuxuuna shirka u diray ku-xigeenkiisa.

Ukraine ayaa iskudayaysa inay shirkan ka raadiso taageerro, wallow ay hoos u dhigeen dalalkii saameynta ku lahaa labada dhinac oo Turkiga iyo Sacuudiga ay ka mid yihiin. Ruushka ayaana si adag u cambaareeyay shirkan, inta ay socotay qabanqaabadiisa waxaa ay Switzerland, la kulantay weerarro dhinaca internetka, balse ma jirin wax eedeyn ah oo ay u jeedisay Ruushka.

Halkan ka akhriso Liiska

PUNTLAND POST