Siciid Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqay in uu joojiyo faagista qubuuraha Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horreysay ka hadlay qeyla-dhaanta ka soo yeeraysa dadka Muqdisho ee ku aaddan qabuurihii dowladda Federaalku ku dhawaaqday in la banneeyo si looga dhigo xero ciidanka badda lagu tababaro.

“Iyadoo aan ognahay in aanay baahi dhuleed loo qabin in qabuuro la faago, dhulka Soomaaliya, 70% waa bannaan yahay, meel kasta iyo goob kasta ayaa haddii loo baahdo laga fulin karaa arrimo ku saabsan baahiyaha dowladda”.

“Waxaa sidoo kale ognahay in xarumihii iyo xeryihii dowladda in la yiri waa laga maarmay oo la iibinayo, haddana la leeyahay qabuuro laga maarmi waayay waa la faagayaa, waa arrimo aan is qaban karin” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Mudane Siciid Deni ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu u naxariisto shacabka dhibaataysan islamarkaana joojiyo faagista qubuuraha.

PUNTLAND POST