Puntland oo qabatay nin ku eedeysan afduubkii markabka MV Abdullah

Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in ay aroornimadii hore ee maanta (June 14, 2024) qabteen nin ku eedeysan inuu ka mid ahaa burcad-badeedii afduubtay markabka MV Abdullah ee laga lahaa dalka Bangladesh.

Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in taliska qeybta gobolka Nugaal ay gacanta ku dhigeen eedeysane Maxamed Cali Aadan oo ka mid ahaa burcad-badeedii afduubtay markabka MV Abdullah.

Howlgalka lagu qabtay eedeysanaha oo uu hoggaaminayay taliyaha qeybta Nugaal Maxamed Cali Marduuf ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Yibaayil oo ka tirsan degmada Dangorayo.

Markabka MV Abdullah oo la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April, kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo gaaraysa 5 malyan oo doolar.

PUNTLAND POST