Maraykanka oo saxiixay heshiis uu Turkiga kaga iibinayo diyaaradaha dagaalka ee F-16

Turkiga iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday qandaraas Ankara looga iibinayo diyaaradaha dagaalka ee F-16 ka dib markii Washington ay aqbashey heshiiskan oo ku kacaya 23 bilyan oo dollar.

Heshiiska ayaa yimid ka dib bilo wada xaajood ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Turkiga.

“Qandaraaska waa la saxiixay, wufuud ka kala socota labada dhinac ayaa ka wada xaajoonaya faah-faahintiisa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda.

Sida ku cad heshiiska, Turkigu wuxuu heli doonaa 40 diyaaradood oo cusub oo ah F-16 iyo in loo casriyeeyo ilaa 79 ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee hadda jira.

PUNTLAND POST