
Kooxda Xizbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa gantaalo is xigxigay ku garaacday waqooyiga Israa’iil, ka dib markii Israa’iil ay duqeyn cirka ah ku dishay taliye sare oo ka tirsan oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan maalin ka hor.
Xizbullah ayaa si maalinle ah waxa gantaallo ka gudba xuduudda isku weydaarsanayeen Israa’iil tan iyo markii ay xulafadooda Falastiin ee Xamaas ay weerar ku qaadeen koonfurta Israa’iil 7-dii October, taasi oo dhalisay dagaalka ka socda Gaza.
Is-dhaafsiga gantaallada ayaa kordhay toddobaadyadii tegay, ayada oo Xizbullah ay sare u qaaday adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha la socon, si ay u weerarto xarumaha militariga Israel, halka Israa’iil ay ku jawaabtay weerar beegsi oo ka dhan ah kooxda.
Xizbullah ayaa sheegtay in ay “tobanaan gantaalaha Katyusha ah” ku garaacday saddex saldhig iyo xero ku taalla waqooyiga Israa’iil.
Kooxdan ay Iiraan taageerto ayaa sheegtay inay gantaallo la hagayey ku garaaday “warshad militari” ayada oo “ka jawaabeysa dilka ay fuliyeen cadowga Sahyuuniyadda.”
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.