
Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay 19 eedeysane oo loo haysto in ay baraha bulshada ka wadeen kicin bulsho iyo falal amni-darro.
Xafiiska xeer-Ilaaliyha guud ee dowladda Soomaaliya ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyey eed lid ku ah 19 Eedeysane oo dhammaantood loo heysto ku lug lahaanshaha Dagaal isir ah, Khalkhal gelin amni, Naceyb, Kicin Bulsho iyo aflagaado, ayagoo isticmaalaya baraha bulshada gaar ahaan Tiktok.
Xafiiska xeer-Ilaaliyaha guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu maxkamadda gobolka Banaadir ka codsaday in ay soo mudeyso dhageysiga kiiskaasi.
Xafiiska xeer-Ilaaliyaha ayaa sidoo kale degniin adag u diray dadka baraha bulshada u isticmaala dhaqamada xun xun oo liddiga ku ah dhaqanka suuban ee Islaamka iyo dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed, Dhaqan xumadaas oo ah Aflagaadeynta, Iskudirka Bulshada, Been abuurka, naceybka iyo kicinta bulshada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.