Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya oo shir beeleed kaga qayb galaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo aay wehliyaan Xildhibaanno iyo siyaasiin ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Ciidamada Difaaca Deegaanka Cali Jeyte Cismaan, Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.

Maamulka demada Maxaas masuuliin kala duwan saraakiil ciidan ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay degmada Maxaas.

Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo mas’uuliyiinta wehelisa ayaa sida la sheegayo halkaasi kaga qayb galaya shir beeleed ka dhacaya Maxaas.

PUNTLAND POST