Xasan Sheekh iyo Jonas Gahr Støre oo ka wadahadlay damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway, Jonas Gahr Støre.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Jonas Gahr Støre ay si gaar ah uga wadahadleen damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.

“Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka. Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha Norway dhibaatada ka dhalatay xadgudubka Itoobiya iyo dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalka” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Kulanka ayaa la sheegay in uu ku soo dhammaaday jawi isfaham iyo is-afgarad ah, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada shaqeynta iyo iskaashiga dhow ee labada dal.

PUNTLAND POST