Puntland: Wasiirka warfaafinta oo ka horyimid go’aankii wasiirka deegaanka

Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa ka hortimid go’aankii ay shalay soo saartay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada, kaas oo lagu amartay shirkadaha isgaarsiinta in ay joojiyaan dhisidda taawarrada inta laga hubinayo waxyeello ay u geysan karaan degaanka iyo bulshada.

Warqad ka soo baxday wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa lagu sheegay in shaqada isgaarsiinta ay leedahay wasaarada warfaafinta iyo isgaarsiinta, sidaas darteed khataraha deegaan iyo caafimaad ee ka iman kara qalabka iyo shaqooyinka isgaarsiinta ay kawada xaajoonayaan wasaaradda, shirkadaha isgaarsiinta iyo cidda khatartaas dareemaysa ama ka cabanaysa.

PUNTLAND POST