Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay mideynayso tababarrada ciidan ee dowladaha shisheeye bixiyaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladdu ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee dowladaha shisheeye siiyaan ciidanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta booqasho ugu tagay Ciidanka Soomaaliya ee ku jira kuliyadda tababarka TurkSom, waxaana uu intaa raaciyay in ciidanka qalabka sida loo dajinayo hal manhaj oo mideysan taasi oo xoojineysa gudashada waajibaadkooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha iyo ciidanka kula dardaarmay inay yihiin rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin, isla markaana ay u diyaargaroobaan ciribtirka kooxaha argagixisada.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in dowladdu abuureyso hay’ad u xilsaaran daryeelka agoonta ciidamada qalabka sida, isla markaana maalin qaran loo asteyn doono sanad walba maalinta shuhadada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada ay siiyo ciidanka Sooamaaliya, gaar ahaan dhinaca caafimaadka militeriga iyo gargaarka xaaladaha degdegga ah.

PUNTLAND POST