Puntland oo shirkadaha isgaarsiinta ka joojisay in ay taawaro cusub ka dhistaan magaalooyinka iyo bannaankooda

Xukuumadda Puntland ayaa ku amartay shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u joojiyaan dhisidda taawarrada cusub ee xaafadaha iyo bannaanka magaalooyinka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda degaanka iyo isbeddelka Cimilada Puntland ayaa lagu amray shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u joojiyaan dhisidda taawarradaasi cusub.

Wasaaradda ayaa sheegtay in shirkadaha isgaarsiinta aysan wax taawarro cusub ah ka dhisi karin xaafadaha iyo bannaanka magaalooyinka ilaa laga hubiyo in dhismaha taawarada cusub aysan waxyeello u geysan degaanka iyo bulshada.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in ay cabasho ka soo gaartay dadka degan xaafadaha taawarada isgaarsiintu ku dhexyaallaan kuwaas oo aan horey loogu sameyn cilmi-baaris saamaynta ay ku leeyihiin dadka iyo deegaanka.

Cabashada ugu badan ee laga soo gudbiyay taawarrada ayay wasaaraddu ku sheegtay halista shucaaca electromagnet-ga ah, buuqa matoorada iyo dabaysha oo keenta dhibaato caafimaad iyo bilic-xumo.

Halkan ka akhrido qoraalka

PUNTLAND POST