Dowladda Puntland oo deeq-bixiyaasha Caalamka ku dacweysay Villa Somalia

Dowladda Puntland oo baaq degdeg ah u dirtay Beesha Caalamka ayaa sheegtay in dowladda Muqdisho siyaasadeysay gargaarka bini’aadanimo ee la siiyo Soomaaliya.

Qoraal ku qoran luuqadda English-ka oo ay Puntland u dirtay deeq-bixiyaasha Caalamka ayay ku sheegtay in Muqdisho siyaasadeysay gargaarka bini’aadanimo iyo mashaariicda horumarinta ee la siiyo Soomaaliya.

Dowladda Puntland ayaa deeq-bixiyaasha ka dalbatay in ay wax ka qabtan tallaabada Muqdisho ku siyaasadeysay gargaarka iyo mashaariicda horumarinta ee lagu bixiyo magaca Soomaaliyeed.

Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale deeq-bixiyaasha ka codsatay in caddaalad loo qeybiyo gargaarka bini’aadanimo iyo mashaariicda kale ee la siiyo Soomaaliya islamarkaana lagu maamulo mas’uuliyad maaliyadeed.

“Waxa aan adkaynaynaa in si caddaalad ah loo qaybiyo taageerada deeq-bixiyaasha, iyada oo diiradda la saarayo maamul wanaagga iyo mas’uuliyadda maaliyadeed” ayaa lagu yiri baaqa ka soo baxay Puntland.

Halkan ka akhriso baaqa Puntland

PUNTLAND POST