
Tirada guud ee Falastiiniyiinta ku dhintay dagaalka marinka Gaza ayaa maanta gaartay 37,084 kun oo qof sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Caafimaadka ee Gaza.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa ku dhawaaqday in ka badan 37,084 qof lagu dilay Marinka Gaza muddada ka badan siddeedda bilood ee uu socday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin.
Waxay intaas ku dartay in tiradan ay ku jiraan ugu yaraan 274 qof oo lagu dilay weerarkii Israa’iil ay Sabtidii ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat, xilligaas oo afar la haystayaal ah nolol lagu soo badbaadiyay, tiradaas oo aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin.
Wasaaraddu waxay sheegtay in 84,494 qof oo kale ay ku dhaawacmeen dagaalka tan iyo markii uu qarxay 7-dii October.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.